Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo la dardaarmay bulshada gobolka Hiiraan.
“Shacabka waxaan leeyahay qoryihiina qaata oo ku dhiirada inaad iska qabataan Shabaab-ka ku jira gudaha magaaladaan, maamulku wuxuu idin sii doonaa fursad aad ku soo gaarsiidaan xogta nabad-diidka,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.
Gacan waxaan kula dagaalami doonaa Shabaab-ka qoryaha wata, gacana waxaan isaga qaba doonaa kuwa magaalada ku dhex dhuumanaya oo miinooyinka aasa, dadkana badda ka qaata,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Wuxuu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo raadinaya qorshe lagu sugi karo amniga dadka ku nool gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha ayaa balan qaaday in dhawaan uu bilaabi doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla markaana uu la imaan doono hoggaamin dhab ah.