Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan oo haatan ku sugan deeganka Teedaan ee gobolkaasi ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib qaraxii ka dhacay Beledweyne.
Cali Jayte oo ka qayb-galay kulan loogu duceynayay dhammaan dadkii ku geeriyooday xoreynta gobolka Hiiraan ayaa iclaamiyay dagaal horleh oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Ninkan oo hadda hoggaaminayo ciidamo Macawiisley ah ayaa wacad ku maray inuu u aargudi doono shacabkii lagu laayay Beledweyne, isla-markaana uu ka dhabeyn doono go’aankiisa cusub.
“Aniga qof Shabaab dilo inaan u tacsiyadeeyo mar hore ayaan go’aan ka gaaray, waan u aar guda mahe, hadana waxaa igu balan ah inaan u aar gudo dadkii shalay ay ku laayeen qaraxii Baledweyne” ayuu yiri Cali Jayte Cismaan.
“Al-Shabaab waa Diin ku dheel oo Diin ayay dadka nacsiyeen waxan arkay oo diyaarad isla raacnay Aabe labadiisa wiil Shabaab ka raaceen oo kasoo watay, markasuu igu yiri hada Tv ayaa guriga u yaal cajalado Music ah ayaan u shida weyna ku cayaaran Alx, bal arag heerka aabahiisa ay garsiiyeen kooxda arxanlawayaasha ah sidas ayay Diinta u dhibaateynayaan ee aan la dagaalno” ayuu yiri mar kale yiri guddoomiyihii hore ee Hiiraan.
Guddoomiyihii hore ee Hiiraan oo dhawaan wada-hadal la galay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu qanciyay inuu kusoo laabto dagaalka, halkaasna uu ka wado halganka.
Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay Al-Shabaab, waxaana weli ka socda gulufka dagaal ka dhan ah kooxda, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka.