Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo Loo Diiday inuu Tago Degmadaan Ka Tirsan Gobalka Hiiraan

Cali Guudlaawe oo Loo Diiday inuu Tago Degmadaan Ka Tirsan Gobalka Hiiraan

0

Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa soo baxeysa in loo diiday inuu booqdo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Macawiisleyda Maxaas ayaa lagu soo waramayaa inay Cali Guudlaawe u diideen inuu booqdo degmada, xilli uu socdaal ku marayay gobolka Hiiraan.

Bishii May ee sanadkan ayey aheyd markii sidan oo kale hogaamiyaha HirShabelle looga hor istaagay inuu galo Beledweyne, oo laga dhisay Hiiraan State.

Waxaa muuqata in dib u istaadhmay guuxii reer Hiiraan ee maamulkiisa, kadib markii ay sheegeen in nidaamkii lagu dhisay iyo hanaanka awood-qeybsiga wax laga bedelay.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Cali Guudlaawe uu safar ku marayay deegaanada maamulkaas, isaggoo maalin kahor gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, xilli Hiiraan laga diidanaa xukunka Cali Guudlaawe.

Safarka uu ku tegay Moqokori waxaa ku wehliya madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan, halkaasi oo si weyn ugu soo dhoweeyeen guddoomiyaha iyo shacabka degmada.

Beesha Xawaadle oo degta Moqokori iyo inta badan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ayuu madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ku dhiiraday inuu hortago, balse hadda waxaa muuqata inuu wajahayo caqabada diidmada maamulkiisa.

Beesha Xawaadle ayaa diidan gabi ahaanba inay kasii mid noqdaan maamulka HirShabelle, waxayna kol sii horeysay ku dhawaaqeen maamul kale oo ay ugu magac-dareen Hiiraan State.

Si kastaba, Xiisadda maamulka Guudlaawe iyo reer Hiiraan ayaa gaartay heer ay diideen in maamulka HirShabelle canshuurta ka qaado gobolka, inkasta oo maamulka uu waddo dadaallo uu rabo inuu hoos ugu dhigo xiisadda, kuwaasi oo u socon la’ sida muuqata.

Ad
Previous articleCabdinuur Fooley oo Dowlada Ka Tirsana Alshabaabna La Shaqaynaayay oo Maxkamad lasoo Taagay
Next articleNinkii Dilay Marxuum Macallin Xamae Muuse oo lasoo Qabtay