Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo Ka Hadaly imaanshihiisa Baladweyne

Cali Guudlaawe oo Ka Hadaly imaanshihiisa Baladweyne

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo maanta markii ugu horeysay gaaray magaalada Beledweyne tan iyo markii uu maamulka Hirshabelle la wareegay dhamaadkii sanadkii 2020ka ayaa goob fagaare ah ka sheegay in la xalinayo tabashada reer Hiiraan.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta yimaado magaalada Beledweyne isla markaana uu ku dadaali doono sidii wax walba oo khilaaf ah oo jira lagu xalin doono wadahadal.

 

Aan is hor fariisano waa daawoobeynaa, waxaa rabaa in aan hortiina ka cadeeyo in cid kasta oo wax tabanaysa hadey tahay mid deegaan iyo mid qabiil ay tahay waa ka garnaqi doona, aan warano oo dadkaan dowladnimo iyo wada dhalasho ayaa ka dhaxeysa.”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

“Masuuliyadda waa meerto qofba mar ayuu qaban, waxaana muhiim ah in qofka markaasi haya uu dadka isku haayo islamarkaana fursad la siiyo.”ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali CabdulaahI Xuseen oo ka hadlay doorashada lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Beledweyne ayuu sheegay inay noqon doonto mid daahfuran oo si cadaalad ah u dhacdo.
Cali Guudlaawe ayaa sheegay in kulamo wada-tashiya ah uu la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan oday dhaqameedyada

Ad
Previous articleDeg deg Cali Guudlaawe oo Ka Degay Garoonka Diyaardaha Baladweyne
Next articleGudiga Doorashooyinka Heer Federal oo War Cusub Soo Saaray