Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali guudlaawe oo cayriyay Qaar Ka mid ah Golihiisa Wasiirada

Cali guudlaawe oo cayriyay Qaar Ka mid ah Golihiisa Wasiirada

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa xilalkii ka qaaday labo wasiir oo ka tirsanaa xukuumadiisa, balse wareegtada xilka looga qaaday wasiirradaan laguma magacaabin xubno cusub.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada maamulkaas ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilalkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Yaxye Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Mudane Qadar Xasan Maxamed kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.”

Labada wasiir ayaa lagu eedeeyey xil gudasho la’aan, sida ku cad warqadda uu caawa soo saaray Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku taariikheysan 16-kii bishaan.

Faahfaahin intaas dheer laguma xusin warqadaan, markii laga soo tago in wasiirradaan lagu heysto xil gudasho la’aan aan laga bixin sharaxaad kale.

Hoos ka akhriso warqadda

 

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Biri safarkii ugu Horeeyay ku tegaya imaaraadka
Next articleSafarada Soomaaliya ee Turkiga oo adkaysay Visaha Turkiga iyo Sababta oo la Ogaaday