Home Wararka Maanta Cali Dheere oo war layaab leh kaso saaray kacdoonka shacabka ee...

Cali Dheere oo war layaab leh kaso saaray kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa maanta markii ugu horeysay si qota dheer uga hadlay kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ee ka curtay gobollada dalka iyo dagaalka uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Cali Dheere ayaa khudbadaan ka jeediyey kulan ay Al-Shabaab ugu magac-dareen Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, isagoo sheegay inay jiraan qabiilo garab u noqday waxa uu ugu yeeray “gaalada”.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa xaaladda kacdoonka ah ee maanta ay wajahayaan wuxuu ku macneeyey inay lamid tahay tii uu wajahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waayihiisii halganka.

Al-Shabaab waxay sidoo kale qireen in dowladda Soomaaliya ay qabaa’ilka ku hubeysay, wuxuuna afhayeenka u hadlay kooxdaas qabaa’ilka la dagaalamaya ku tilmaamay ‘kuwii isbaarooyinka dhiga jiray’ sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Qabaa’ilkaas waxaan leeyahay waxaa la doonayaa in dano gaar ah la idinku gaaro, kadibna meel cidlo ah la idinkaga tago, idinkoo halaagsamay,” ayuu yiri Cali Dheere.

Sidoo kale Afhayeenka Al-Shabaab ayaa u hanjabay qabaa’ilka kacdoonka wada, isagoo sheegay in reerkii ama jifo kasta oo ka hor timaada Al-Shabaab oo la dagaalanta ay beylah u tahay gacanta iyo seefta kooxda.

“Xasan Sheekh iyo kuwa la socda waxaan leeyahay, dhaarta aad dhaarateen ayaa inoo dhaara, laba dhaar ma jireyso, waxaana rajeynayaa in wakhti aan ku kala bixi doono dagaalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenka Al-Shabaab.

Hadalka Cali Dheere ayaa ku soo aadaya xilli awooda Al-Shabaab laga soo wiiqay goobo badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Bay, sidoo kale meydadka dagaalyahanada Al-Shabaab oo aad loo laayey ayaa lagu soo bandhigay gobolladaas.

Kacdoonkii ugu cuslaa ayey wajaheysaa kooxda Al-Shabaab, kadib 15 sano oo Soomaaliya ay dagaalo dad badan galaaftay ka wadeen, dowladda Soomaaliya ayaa dhiira-gelin xoog leh la garab taagan beelaha Soomaaliyeed ee isku dhaarsaday inay iska xoreeyaan Al-Shabaab.

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweynaha Dowladda Galmudug oo daah furay Shirwaynaha Guud ee Dib -U-Heshiisiinta Reer Galmudug(Sawiro)
Next articleJeneraal Biixi “Cali Dheere maanta inuu calaalacalo waa gar, weli jaanis ayaa u furan ha isku soo dhiibeen gacanta dowladda”