Al-Shabaab ayaa tababar u soo xirtay boqolaal dagaalayahan oo ka tirsanaa kooxda xili ay wajaheyso dagaalkii ugu adkaa ee kooxdu la kulantay sanadahan dambe kaasoo looga saaray degaano ka tirsan bartamaha Somalia
Muuqaal baahiyaha “Kataa’ib” oo qeybta Al-shabaab u qaabilsan warbaahinta ayaa baahiyey muuqaal la daawan karo 50 daqiiqo oo lagu soo bandhigay ciidamo Al-Shabaab oo soo dhameystay tababar military oo ka socda xero lagu magacaabo Ribci Ibnu Caamir oo aan la sheegin halka ay ku taallo
Muuqaalka ayaa lagu daahfurayaa dhoolatus ay soo bandhigayaan ciidamada Al-Shabaab, kadibna waxaa ciidanka khudbad u jeedinaya afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere, kaasoo ciidanka u sheegaya inay fulin doonaan weeraro la mid ah midkii Buula-Mareer.
Ciidankan ayaa isugu jira askar iyo rag loogu talo galay iney isqarxiyaan kuna qalabeysan hub iyo gaadiid dagaal.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay