Home Wararka Maanta Cali Abuukar Jimcaale oo Lashabaab Shaqa Culus u Haayay oo Xukun Adag...

Cali Abuukar Jimcaale oo Lashabaab Shaqa Culus u Haayay oo Xukun Adag lagu Riday

0

Cali Abuukar Jimcaale Rooble, ayaa loo soo xiray sadaxdii November ee sanadkii hore ka mid ahaanshaha Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa qaybta Amniyaadka.

Cali Abuukar Jimcaalle Rooble, waxa ay reerkiisa u safriyeen South Africa 2010-kii Sanad kedib markii uu ku biiray Al-Shabaab.

Todoba sano oo la islahaa waxa uu ka xuroobay fikirka Al-shabaab ma dhicin balse waxa uu ka soo degay Muqdisho dabayaaqadii 2017 isaga oo xambaarsan isla fikirkii kooxda.

Waxa ay Al-shabaab u wakiilatay Cali diiwaan gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, waxa uuna mushaar ahaan u heli jiray 50 ilaa 100 dollar bishiiba.

Markale ayay Argagixisada ku celisay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, waxaana lagu ogaaday baaritaanka hay’adaha Amniga in maalmo uu kulan la qaatay Cali jabhad hareeraha Jilib-Marko.

Dalabka xeer ilaalinta ee ahaa maxkamad qaadista Cali Abuukar Jimcaalle ayuu garsoorka Ogolaaday afartii March sanadkan.

Garsoorka ayaa waqti ku filan siiyay dhinacyada Dacwadda, waxa ayna habraacii maxkamadeed kedib ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble Sideed Sano oo Xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo heerka Koowaad ee maxkamadda ciidamada ka tirsan. Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada oo soo Bandhigtay Hub iyo Khasaaraha Gaaray Alshabaab kii Soo weerar Degaanka Daarunaciim
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey dilka Loogaystay Nabadoon Muumin Giriig oo Muqdisho lagu dilay