Home Wararka Maanta Cabsi la soo daristay dadka magaalada Xayfa ee Israa’il iyadoo laga cabsi...

Cabsi la soo daristay dadka magaalada Xayfa ee Israa’il iyadoo laga cabsi qabo dagaalka Israa’iil iyo….

0

Dadka ku nool magaalada Xayfa ee Waqooyiga Isra’il ayaa diyaargarow ugu jira dagaal laga cabsi qabo in uu ka dhex qarxo Israa’iil iyo ururuka Xisbullaah ee dalka Lubnaan.

Dadkan oo uusan weli maskaxdooda ka go’in dagaalkii ugu dambeeyey ee labada dhinac dhexmaray sannadkii 2006, ayaa billaabay in ay dhulka hoostiisa u raraan qaar ka mid ah adeegyada aas-aasiga ah.

Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay ka dib dilkii Israa’iil ay u geystaya taliyihii ciidamada Xisbullah, Fouad Shukr.

Israa’iil waxay geysay xudduudda dhanka Lubnaan gantaallada difaaca hawada, waxayna sare u qaadday heerka feejignaanta ciidamadeeda.

Dadwayne badan ayaa laga daabulay magaalooyinka ku yaalla xuudduudda Lubnaan, waxaana dadka si joogta ah loo siiyaa talooyin ku aaddan waxa dhici kara.

Ad
Previous articleMasar Ma Ayadaa Dalbatay inay Soomaaliya Ciidan Usoo Dirto Mise Waa Laga Dalbaday?
Next articleMareykanka, Qadar iyo Masar oo baaq u diray Israa’iil iyo Xamaas