Wasiirkii hore ee amniga maamul goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa maalmihii lasoo dhaafay la sheegaya in nolol iyo geeri lagu weysan yahay.
Yuusuf Dhuumaal oo hadda ah wasiirka wasaaradda amniga Jubbaland Yuusuf oo arrinraan ka hadlay, ayaa waxa uu ka dalbaday dowladda Kenya in xaaladda Wasiir Janan ay meel ku sheegaan nolol iyo geeri mid uun.
“Dowladda aan walaalaha nahay ee Kenya, gaar ahaan laamaha amaanka waxan ka codsanaya in Wasiir Janan oo lagu la’yahay gudaha magaalada Nairobi mudo lix cisho ah in meel lagu cadeeyo haddii dambiyo jiran oo lagu tuhmayo qof dambi wuu gali kara lakin waa in la ogaada mesha uu ku sugan yahay,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.
Waxa uu intaas kusii daray “Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, gaar ahaan Nairobi waa inay xil iska saaraan baadi-goobka Cabdirashiid Janan nolol iyo geeri intaba.”
Ugaaska Maxamed Ugaas Ahmed ayaa sidoo kale baaq u diray xukuumadda Nairobi “Waxaan xasuusinaynaa dowladda Kenya in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee ku sugan geyigeeda, Waxaana ugu baaqaynaa in ay qaaddo talaabo rasmi ah oo lagu badbaadinayo Cabdirashiid.”