Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saartay warqad ay ku baafinesyo eedeysane Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim oo ahaa maamulihii xafiiska canshuuraha bariga, Wasaaradda Maaliyadda ee Warta Nabadda.
Mas’uulkan oo maqane ah ayaa MaxKamaddu waxa ay sheegtay inay ka taallo dacwad uu dhinac ka yahay, taas oo ay soo gudbisay xeer ilaalinta qaranka.
Eedaha loo haysto ninkan ayaa waxaa kamid ah inuu ku kacay musuq-maasuq, ku takri fal hanti dadweyne iyo been abuur dukuminti, sida ay sheegtay Maxkamadda Gobolka.
Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in dhammaan falalkaas ay ka dhaceen xafiiska canshuuraha bariga, Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Warta Nabadda.
Eedeysane Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim ayaa loo qabtay inuu muddo 30 cisho ah ku hor yimaado Maxkamadda, taas oo ka bilaabaneyso 11/11/2023, kuna eg 10-12-2023.
“Waxay Maxkamaddu fareysaa eedeysanaha sare ku xusan inuu ku horyimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir muddo sodon (30) maalmood ah oo ka bilaabaneyso maalinta taariikhdu tahay tr: 11/11/2023, kuna eeg taarkiida 10-12-2023 oo ah maalin Axad ah” ayaa lagu yiri baafinta ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay haddii uu eedeysanaha ku imaan waayo waqtigaas in ay qaadi doonto tallaabada uu siinayo sharciga u yaallo dalka.
“Waxaa lagu farayaa inaad dhowrto waqtiga Maxkamaddu kuu qabatay, haddii aad muddadaas ku hor imaan weyso Maxkamaddu waxay qaadi doontaa tallaanooyin sharci ah” ayaa mar kale lagu yiri warqadda maanta kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Mas’uuliyiin dhowr oo iyaguna ah eedeysanayaal ayaa weli ka maqan dalka, waxaana kamid ah agaasimihii hore ee waaxda canshuuraha bariga ee Wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Saabey iyo agaasimayaahii hore ee hay’adda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), kuwaas oo loo haysto eedeymo musuq ah.
Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan wadda dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo qabtay mas’uuliyiintii ugu badneyd oo wajahaya xabsi iyo maxkamadeyn intaba.
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay