Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cabdullaahi Goodax Bare oo ka Hadlay Khilaafka Soo kala Dhexgalay Dabageed iyo...

Cabdullaahi Goodax Bare oo ka Hadlay Khilaafka Soo kala Dhexgalay Dabageed iyo Guudlaawe

0

Wasiirkii hore wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare oo haatan ka mid ah musharixiinta ku sugan Beledweyne ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in khilaafkan uu saameyn ku yeelan karo hannaanka doorashada, balse waxa uu tilmaamay in taladiisu ay shaqeyn doonto cidda ay la jiraan reer Hiiraan wuxuuna xusay inay garab taagan yihiin madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

“Marwalba shacbiyadda iyo dadka Beledweyne cidda ay jiraan ayaa muxuu ahaa taladiisu shaqeyn doontaa, mar haddii uu madaxweynihii joogo annaga madaxweyne ku xigeen ma naqaano madaxweynaa naqaanaa,” ayuu yiri musharrax Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu kasoo horjeestay damaca Dabageed ee ku aadan in kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah, isaga oo uu tilmaamay in aysan marnaba aqbali doonin arrintaasi.

 

Annaga marnaba ma yeeli doono kursi la xiro ee la leeyahay anigaa xiray qofkaasna siiyey hadda ka hor madaxweyne ku xigeenku fagaare ayuu ka sheegay in uusan marnaba jirin Qabiil kursi looga haraayo oo mataqaanaa iyagu magacaabi doonaan,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray  “Waxaan ka baqayaa haddii la kala xishoon waayo in meeshaas ay kasoo baxdo dhibaato weyn,”.

 

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu haatan soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya hoggaanka HirShabelle oo isku qabtay maamulka kuraasta ku harsan Beledweyne.

Khilaafkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiri xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka oo  haatanla filayo in la soo gabagabeeyo 15-ka March.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleRuushka oo Sharuudo ku Xiray Joojinta Dagaalka Ukraine Isagoo soo bandhigay Sharuudaha
Next articleXiliga Loo Qabtay Doorashada in lagu soo Gabgabeeyo uu umuuqata inaysan kusoo Gabgaboobeen(ogoow Sababta)