Home Wararka Maanta Cabdiraxman Cabdi Shakuur oo Qarka Usaaran inuu Ka Baxo Baarlamaanka Soomaaliya

Cabdiraxman Cabdi Shakuur oo Qarka Usaaran inuu Ka Baxo Baarlamaanka Soomaaliya

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa saluug ma muujiyey shaqada baarlamaanka federaalka oo xubin uu ka yahay, isagoo sheegay in hadda kadib uu ka fekerayo in uusan doonan kursi xildhibaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya aysan ka shaqeyn masuuliyadda ay u qaadeen umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u dhaliilay guddoonka.

Wuxuu sheegay in guddoonku uu afduubto golaha, halka xildhibaanadu ay xeeriyaan duruuftooda, sidoo kale xukuumadda ayuu ku eedeeyey inay ku takri faleyso awoodeeda.

“Qaabka ay siyaasadu u sameysan tahay ayaaba naga qaldan, nidaamka baarlamaaniga ah ee dalkeena waxaa loogu tala galay in xildhibaanadu xisbiyo ka kala tirsan yihiin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay nidaamka hadda lagu shaqeeyo ay dhibaato weyn ku qabaan, maadaama looga baahan yahay metelaad, xukuumaduna ay rabto in xildhibaanka ay dan ku heysato.

“Anigu waan ka fekerayaa in kurisi dambe oo xildhibaan aan raadiyo inta shaqada baarlamaanka ay sidaan tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysigaan siiyey BBC.

“Aniga Xildhibaan ayaan ahay, dadka aan metelo waa isku dhibanahay, sababtoo ah waxay rabaan inaan dowladda u soo baryo, qofkii shaqo raba, kii waxbarasho aadaya, kii caafimaad raba iyo wax kasta oo dowladda looga baahnaa, aniguna ma aqaan nidaamkaas,” ayuu yiri CC Shakuur

Ad
Previous articleLacag ka badan 20 milyan oo laga waayay qasnadda DF – Yey ku maqan tahay?
Next articleMuxuu Yahay Markabka Dagaal ee Kusoo Xirtay Dekada Boosaaso?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here