Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka markale xukun dil toogasho ah ka fulisay magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Toogashada ayaa waxaa lagu fuliyay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan, kuwaas oo horay dilal u geystay.
Labada nin ayaa waxaa saaka lagu toogtay cara tuurka oo ah waqooyiga Baydhaba, waxaana goobta ku sugnaa saraakiil ciidan iyo askar ka tirsan ciidanka amniga.
Sidoo kale waxaa fagaaraha toogashada ku sugnaa shacab usoo daawasho tegay oo ay ku jireen ehellada dadka la tooganayay iyo kuwa qasaasta loo fulinayay.
Waxaana kasii horreeyay oo isla todobaadkii hore tiirka la geeyay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen.
Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.
Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo