Home Wararka Maanta Cabdiqani Daahir Shire oo Fal Dadka Muqdisho ka Caroodeen Sameeyey oo lasoo...

Cabdiqani Daahir Shire oo Fal Dadka Muqdisho ka Caroodeen Sameeyey oo lasoo Qabtay

0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Booliska dagmada Deyniile ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Cabdiqani Daahir Shire oo loo heysto inuu si bareer ah Cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaalay xaafada Gubta ee degmadaas.

Booliska ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in eedeysanahaan la horgeydoono Maxkamadda awooda u leh,iyagoo sidoo kale uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan xaalufinta geedaha nacfiga u leh dadka, duunyada iyo deegaanka.

Muuqaal laga duubay ninkaan oo Geed weyn jaraya ayaa aad ugu faafay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay, arrintaan ayaa salka ku heysa dhismaha waddo laami ah, balse in la jaro geedkaas waa laga baaqsa karay, waana inta loo heyto ninkaan.

Guddoomiyaha degmada Deyniile oo ka hadlay arrintaas ayaa sheegay in Geedkaas loo jaray si aan ku talagal aheyn oo Cagaftu ay ku dhacday, balse waxaa la hayaa muuqaalo muujinaya in si ku talagal ah Geedka loo jaray.

Dhinaca kale Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya oo ka hadashay kiiskaan ayaa digniin adag kasoo saartay Jarista Dhirta oo xiligaan muhiim u ah dalka, dadka iyo duunyada, maadaama is bedel xoog leh uu ku yimid cimillada adduunka oo dhan.

“Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya waxa ay ku bogaadineysaa Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed soo qabashada eedeeysanihii ku xad gudbay Geedka ee deegaanka nabaad guurka u horseeday, jarista iyo nabaad guurinta dhirta waa danbi ku xusan sharciga ilaalinta deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraal ka kasoo baxay wasaaradda deegaanka.

Wasaaradda ayaa cidii ku kacda inay dhirta jarto ku wargelisay inay la tiigsan doonto sharciga, “Waaanna bulshada Soomaaliyeed ku boorineynaa in ay ilaaliyaan deegaanka, kana dhowraan wax kasta oo dhibaato ku keeni kara” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda deegaanka ayaa ammaan iyo bogaadin u jeedisay dadweynaha Soomaaliyeed ee iyaguna ka dhiidhiyey falkii guracnaa ee lagu jaray dhirta, ayadoo ku tilmaantay natiijo muujineysa yididiilada in dadkeennu markaan garteen qiimaha dhirtu u leedahay deegaanka.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleDowlada Itoobiya oo Wasiir Fiqi iyo Madaxda soomaalida ku Tilmaamtay Dad aan Dowladnimada Waxba Ka Aqoon
Next articleMaamulka Somaliland oo si adag uga hortimid taageerada milateri ee dawladda Masar ay u fidisay Dowladda Soomaaliya,