Home Wararka Maanta Cabdicasiis Axmed Maxamuud oo Si xun loogu gowracay Magaalada Muqdisho

Cabdicasiis Axmed Maxamuud oo Si xun loogu gowracay Magaalada Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo ka dhacday degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa lagu gowracay xaafadda Barwaaqo oo ka tirsan gudaha degmadaas.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Cabdicasiis Axmed Maxamuud ayaa kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana meydkiisa, isaga oo la bireeyay lagu arkay isla xaafaddaasi.

Qaar kamid ah ehellada oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa sheegay in Cabdicasiis uu ahaa wiil dhalinyaro ah, sidoo kalena uu ahaa xerow raacda Kutubada Cilmiga Diiniga ah.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in marxuumka la waayey labadii maalmood ee lasoo dhaafay, isla-markaana gelinkii dambe Jimcihii isag oo mayd ah laga helay meelo geedo ah oo ka tirsan isla xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah ehellada oo la hadlay Telefishinka Somalia Cable ayaa shaaca ka qaaday in aysan garaneyn sababta loo dilay wiilkooda iyo sidoo kale cidda ka dambeysa intaba.

“Ninkan hadda wax kale oo aan korkiisa ku aragnay malaha, laakiin mindi ayaa dhuunta ku tiilay ma la yaqaano waxa dilay iyo cid aan xitta shaki ka qabno ma jirto” ayuu yiri mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Telefishinka Somalia Cable.

Ehellada ayaa sidoo kale farriin u diray dowladda Soomaaliya, waxayna dalbadeen in baaris lagu sameeyo dhacdadaasn, si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeya dilkaasi.

“Waxaan dalbaneynaa in si cadaalad ah naloogu baaro wixii dhibkaas marxuumka u geystay,” ayay tiri hooyo kamid ah ehellada marxuumka la gowracay.

Sidoo kale Macallin Axmed Sheekh oo ah Shiikha kitaabada cilmiga u aqrin jiray marxuumka ayaa ka sheekeeyay shaqsiyadda marxuum Cabdicasiis Axmed Maxamuud.

“Ugu yaraan 5 sanno ayuu ila joogay oo aan wax u aqrinaayay nin wuxuu ahaa cilmiga heer fiican ka gaaray koley isagoo xaafadiisa iska jooga oo aan nabad-gelyo ku ognahay ayaa waxaan aragnay isaga oo meel yaalla oo la gowracay” ayuu yiri Macallin Axmed Sheekh.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa maanta lagu aasay, qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho, ayada oo dadweyne kala duwan oo ka xumaa dilkiisa ay ka qaybgaleen aaska.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCabdiraxman Cabdishakur oo Ka Hadlay Weerarkii Xalay lagu Qaaday Xeebta Liido
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Maantay yeeshay kulan Kadib Soona Buxiyay Kooramka Kadib Hanjabaadii Dhawaan loo Jeediyay