Home Wararka Maanta Cabdi Qaybdiid: “Dil ayey ii qorsheysay Dowladdii Farmaajo, kadibna la qariyo meydkeyga

Cabdi Qaybdiid: “Dil ayey ii qorsheysay Dowladdii Farmaajo, kadibna la qariyo meydkeyga

0

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Somalia ayaa faah-faahin cusub ka bixiyey halkii ay ku dambeysay natiijada baarista weerarkii lagu qaaday hoygiisa dabayaaqadii sanadkii 2017-kii, kaas oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, gaar ahaan kuwii uu tababaray Imaaraadka Carabta.

Cabdi Qaybdiid oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in baarista la sameeyey natiijadeeda lagu ogaaday inay kiiskaasi ka dambeysay dowladdii Soomaaliyeed.

“Cidda soo weerartay waxa ay aheyd markii waxaa la oran karay ciidamo ay maamulaan Imaaraadka ay ahaayeen, laakiin baaristii dambe oo la sameeyey waxaa cadaatay in arrintaas dowladdii Soomaaliyeed ee jirtay in arinti ayadu abaabushay,” ayuu yiri Qaybdiid.

Senetorka ayaa sidoo kale sheegay in loo qorsheeyey dil, kadibna la qariyo meydkiisa isaga oo tilmaamay in ciidanka soo weeraray ay wateen Ambalaaskii lagu qaadi lahaa meydkiisa.

“Ciidankaas waxay sameeyeen kanjeelka kore ayey soo jabiyeen, kadib Ambalaas ay wateen guriga soo geliyeen iyaga oo ujeedo marka aniga la’ii dilo guriga Ambalaas aan cidina arag aniga laygu qaado ayey guriga u burburiyeen,” ayuu markale wareysiga ku yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Aniga markii la’ii waayeyna hadda waxay noqotay inay lafahoodii la cararaan oo ay dib u noqdaan, illeen mishinka ay u socdeen ma aheyn guri jabin iyo albaab jabin qofbaa loo soo diray dilkiisa”.

Waxa kale oo uu soo hadal qaady askartii loo xiray falkaasi oo gaarayey illaa 40, isla-markaana ay ku jiraan saraakiil sar sare oo hoggaamineysay, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in la qiyaanay, isla-markaana loo sheegay in qof argagixiso ah ay soo qabanayaan.

“Xukunka markaas jiray 40-kii nin ee kiiskaas fulinaayey oo ciidanka dowladda Soomaalida ahaa, laakiin ay hayeen nimankaan ayaa la isticmaalay ayada oo la rabay Soomaalidu maamukeeda xukuumaddu iska durjiso ayaa waxay isticmaaleen nimankaan oo ay leeyihiin qof aragagixiso ah ayaa halkan ku jira waxaan rabnaa gacan naga siiya idinkaa ciidamo fiican oo diyaarsan haayee,” ayuu markale yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in markii ay soo dhammaatay baarista ay isku dayeen xildhibaano ka tirsan labada aqal inay horgeeyaan baarlamaanka, si loo caddeeyo arrintaan, balse uu is hortaag ku sameeyey guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Mursal, waxaase uu tilmaamay inuu sugi doono cadaaladda iyo xilliga ay ku haboon tahay.

 

 

 

 

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleXildhibaanada Federaalka ee laga Soo Doorto Puntland oo Codsi ugudbiyay P.M Xamse Kadib Dagaalki Bosaaso
Next articleBosaaso oo Qarka u Saaran in markale Dagaal Martigaliso iyo Xiisada oo Cirka iskusii Shareertay