Home Wararka Caalamka Caasimada Nairobi oo laga Filayo Banaan-baxyo iyo Digniino loo diray Somalida Wadankaasi

Caasimada Nairobi oo laga Filayo Banaan-baxyo iyo Digniino loo diray Somalida Wadankaasi

0

Maanta oo Isniin ah, waxaa la filayaa in guud ahaan dalka Kenya ay ka dhacaan mudaharaadyo ballaaran. Boqollaal kun oo qof ayaa la filayaa inay magaalada Nairobi isugu soo bixi doonaan bannaanbaxyadaas.

Markasta oo ay dhacaan banaanbaxyada noocaan ah, waxaa soo noq-noqda dhacdooyin lagu bartilmaameedsado ganacsiyada ay Soomaalidu ku leeyihiin bartamaha magaalada Nairobi.

Horey ayaa dhowr jeer loo jabiyay tukaamo ay Soomaalidu leeyihiin, arrintaasoo walaac weyn ku haysa bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Maanta muuqaal laga duubay bartamaha Nairobi ayaa muujinayay qaar kamid ah ganacsatada oo alaabtooda ka daad-gureynaya tukaamadooda, si ay uga hortagaan khasaare suurtagal ah oo ka dhalan kara rabshadaha la filayo.

Sidoo kale, toddobaadkan baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaal uu iska soo duubay wiil dhalinyaro ah oo Kenyan ah, kaasoo sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya uu wado abaabul dhalinyaro badan ah oo lagu doonayo in lagu weeraro xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Wararka la isla dhex-marayo ayaa waxay sheegayaan in ujeedku yahay bililiqeysi iyo waxyeello loo geysto hantida dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Ad
Previous articleIsrael oo ka hortimid Dalab ka yimid Kooxda Xamaaz ee ku Aadan Xabad-joojinta
Next articleMaamulka Punltnad oo soo Bandhigay Meydadka Ajaaniib katirsan kooxda Daacish