Home Wararka Caalamka Caalamka:- Pakistan iyo India oo Dagaal ka dhex-qarxay

Caalamka:- Pakistan iyo India oo Dagaal ka dhex-qarxay

0

Hindiya ayaa caawa gantaallo ku weerartay gudaha Pakistan, waxayna gantaallada ku dhaceen saddex bartilmaameed oo ku yaalla gobolka Punjab ee dalka Pakistan, gaar ahaan xarumo kooxda Jaish-e-Mohammad ay ku lahayd gobolkaas.

Waxay Hindiya sheegtay in goobaha ay beegsatay adeegsan jireen kooxo argagixiso ah

Qaraxyo waaweyn oo dhowr ah ayaa laga maqlay meelo badan oo Pakistan iyo Kashmiir ah iyadoo India ay sheegtay inay weerartay wax loogu yeeray “kaabayaasha argagixisada” oo sagaal goobood ah

Pakistan ayaa wacad ku martay inay ka jawaabi doonto weeraradan.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa madoobaatay korontadii magaalada Muzaffarabad ee caasimada Kashmiir sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah. Ilaa hadda ma cadda waxa ay ahaayeen qaraxyada.

“Wax yar ka hor, ciidamada qalabka sida ee Hindiya waxay bilaabeen Howlgalka Sindoor, iyagoo garaacaya kaabayaasha argagixisada ee Pakistan ee Jammu iyo Kashmir oo laga soo abaabulay weeraro argagixiso oo ka dhan ah Hindiya,” ayay dawladda Hindiya ku tiri hadal ay soo saartay.

Ficilkeenu waxa ay ahaayeen kuwo diirada la saaray, la cabiray oo aan kor u kicin dabeecad ahaan. Ma jirto wax xarumo ah oo ciidamada Pakistan ah oo la beegsaday. Hindiya waxay muujisay xakamayn weyn marka la dooranayo bartilmaameedyada iyo habka loo fuliyo,” ayay tiri.

Afhayeen u hadlay ciidamada Pakistan ayaa sheegay in Hindiya ay gantaalo ku soo weerartay Pakistan saddex meelood, Pakistanna ay jawaab ka bixin doonto.

Talaabadan ayaa imaanaysa iyadoo ay sii xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa dalalka deriska ah ee ku hubeysan Nukliyeerka ka dib weerarkii lagu qaaday dalxiisayaasha Hinduuga ee Hindiya Kashmir bishii hore.

Hindiya waxay Pakistan ku eedaysay weerarkii lagu dilay 26 nin waxayna wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto. Pakistan ayaa beenisay in ay wax lug ah ku leedahay dilkaas, waxayna sheegtay iney Hindiya marnarsiyo u raadineyso qorshe ay ku soo weerarayso Pakistan.

Ad
Previous articleMareykanka oo Duqeymo ka Fuliyay Saldhigyo ay Kooxda IS ku leeyihiin Gobolka Bari
Next articlePakistan oo Dhoor Diyaaradood kasoo riday India