Home Wararka Caalamka Caalamka:- Dalalka India iyo Pakistan oo Xiisad Dagaal ka dhex Qaraxday

Caalamka:- Dalalka India iyo Pakistan oo Xiisad Dagaal ka dhex Qaraxday

0

Hindiya ayaa hoos u dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed ee Pakistan, waxaana inuu toddobo maalin uga baxo Hindiya loo qabtay u qeybsanaha dhinaca milatariga ee safaaradda Pakistan ay ku leedahay New Delhi

Waxaa sidoo kale la joojiyay heshiisyada u socday labada dal, halka sidoo kale ay Hindiya xirtay xadka ay la wadaagto Pakistan.

Arrimahan oo dhacay waxay la xiriiraan go’aan ay Hindiya uga jawaabayso, dhimashii ugu badnayd , tan iyo 2000 oo Hindi lagu dilay oo ka dhacday gobolka ay Muslimiinta degganyihiin ee Khashmiir, halkaa oo shalay lagu dilay 36 Hindi ah kaddib markii rag hubaysan oo soo xirtay dharka ciidanka Hindiya ay rasaas ku fureen dalxiisayaal Hindi oo ku sugnaa gobolkaas.

Hindiya ayaa ku eedeysa Pakistan inay taageerto muslimiinta Kashmiir ee doonaya inay madax bannaani ka helaan Hindiya.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa u yeeray guddiga amniga qaranka subaxnimadii berri ah, si ay uga jawaabaan tallaabadan ay Hindiya hoos ugu dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed oo ay ku cayrisay u qeybsanihii milatariga ee safaaradda Pakistan ay ku leedahay Hindiya.

Dhanka kale, Xukuumadda Modi ayaa balamisay kulan dhammaan xisbiyada ay leeyihiin berri, oo uu guddoominayo Wasiirka Difaaca Hindiya,Rajnath Singh.

Hindiya waxay ku eedeysay Pakistan inay wax ka ogeyd abaabulka kooxda weerar lagu dilay 36 Hindida ka fuliyay  gobolka ay muslimiinta deggan yihiin ee Kashmiir oo labada dal ay muransan yihiin.

labada Dal waa kuwo milateri ahaan awood badan leh, waxayna ku hubeysan yihiin hubka Nuclearka.

Ad
Previous articleDiyaarad Drone ah iyo gantaal lagu weeraray Caasimada Kyiv oo lagu Dhaawacay 70 Qof
Next articleDowlada oo War kasoo saartay Tirada Shabaabka lagu dilay Wargaadhi iyo Labigoley