Home Wararka Maanta Burco oo lagu qabtay Mudaharaad lagaga soo horjeedo sii daynta maxaabiista Somaliland...

Burco oo lagu qabtay Mudaharaad lagaga soo horjeedo sii daynta maxaabiista Somaliland heyso

0

Mudaharaad lagaga soo horjeedo warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in xukuumadda Somaliland ay sii dayn doonto maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Laascaanood, ayaa saaka ka dhacay magaalada Burco.

Dadweynaha mudaharaadka dhigayay ayaa dalbanayay in haddii maxaabiista la sii daynayo, marka hore la soo daayo maxaabiista Somaliland ee ku xidhan magaalada Laascaanood. Waxay sheegeen in aan wax maxaabiis ah la sii dayn karin ilaa kuwa Somaliland lasoo daayo.

Dadweynaha ayaa taayirro ku gubay waddooyinka waaweyn ee magaalada, iyagoo dhagax kala hor yimid ciidamada ammaanka oo isku dayay inay kala dareeriyaan.

Haddaba, lama hubo xaqiiqada wararka sheegaya in la sii dayn doono maxaabiista ay Somaliland ku soo qabatay dagaalkii Laascaanood, waxaana jira oo keliya warar ay dad madax-bannaani ku baahiyeen baraha bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhawaan soo jeediyay in xukuumaddu ay sii dayso dhammaan maxaabiista ay gacanta ku hayso. Wuxuu sheegay in arrimaha maxaabiista aan wada-hadal lagala gali karin SSC Khaatumo, isaga oo sheegay in ay taasi hoos u dhigayso meeqaamka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale xusay in loo baahan yahay in salaadiin ka socda Deegaanka Soomaalida oo isku xilqaamay hawlaha nabadaynta labada dhinac loo adeegsado sidii maxaabiista Somaliland loo soo dayn lahaa.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa marar badan ku celceliyay in loo baahanyahay in Somaliland iyo SSC Khaatumo ay maxaabiista isku weydaarsadaan sidii laba maamul oo siman, iyo in Somaliland ay ka tanaasusho dhulka ay labada dhinac isku haystaan.

Ad
Previous articleNinkii ka danbeeyay Gufsi loo geestay Labo Gabdhood oo Walaalo ah oo lasoo qabtay
Next articleSomaliland oo ka hadashey maxaabiis ay dhawaan sii daynayso iyo Dadaalka ay wado