Home Wararka Maanta Burcadbadeed Soomaali ah oo Si yaab leh loo Qabtay kadib Markii….

Burcadbadeed Soomaali ah oo Si yaab leh loo Qabtay kadib Markii….

0

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa qabtay lix qof oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, kadib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay Gacanka Cadmeed.

Ragga la qabtay ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jasiiradaha Marshall, sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka fulisay ee ciidamada badda Midowga Yurub.

Burcad-badeedda ayaa rasaas ku furay markabka, iyagoo markaas saarnaa doon yar oo hub uu saarnaa, sida ay sheegtay xarunta howlgallada ganacsiga Marin-biyoodka UK, oo korjoogteysa marinnada markabka ee bariga.

Burcad-badeedda ayaa sitay qoriga nooca Kalashnikov iyo bambooyin, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka sida gaarka loo leeyahay ee Ambrey, weerarkaas ayaa kusoo aaday iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale weerareen maraakiibta maraysay Badda Cas iyo Marinka Bab el-Mandeb.

Markabka waxaa saarnaa ciidamo hubeysan, waxayna Burcad-badeedu ku fureen rasaas markii hore, balse rasaas kale ayey ugu jawaabeen ciidamadii saaraa markabka, taasi waxay sababtay inuu dab ka dhasho doontii ay wateen ragga burcadda ah.

Rasaastii laga soo riday markabka ayaa la sheegay inay haleeshay fuusto shidaal ku jiray oo saareyd doonta burcadda, taasi oo sababtay in dab ka dhashay doontiina gubato.

Ugu dambeytii qoladii la weeraray ee markabka waxay gurmad u fidiyeen oo badda kasoo badbaadiyeen burcadii, kuwaas oo la sheegay inay qabaan dhaawacyo aan la kala xaqiijin inay dab yihiin iyo rasaas yihiin.

Weerarrada badda ee muddooyinkaan socday ayaa hoos u dhigay isu gudubka ganacsiyada ee marin-biyoodkan muhiimka ah ilaa Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleShanbaloolshe oo Gaaray Baladwayne Shirar Xasaasi ahna Ka Bilaabay
Next articleMaxkamadda Racfaanka oo mar kale bilowday dhageysiga kiiska Sayid cali