Home Wararka Maanta Boris Johnson oo daaha ka qaaday xogta dhacdo xasaasi ah oo Ra’iisul...

Boris Johnson oo daaha ka qaaday xogta dhacdo xasaasi ah oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu uu kula kacay,

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK, Boris Johnson ayaa daaha ka qaaday xogta dhacdo xasaasi ah oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu uu kula kacay, arrintaan ayaa aad looga hadal hayaa dunida.

Waxay aheyd sannadkii 2017-kii, intii Boris Johnson uu ahaa xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka UK ayuu xafiiskiisa ku qaabbilay Netanyahu, halkaas oo kulan ay isaga warsadeen arrimo badan uu ka dhacay.

Markii kulankaasi soo dhamaaday ayuu sheegay in Netanyahu ka codsaday inuu musqushiisa adeegsado, balse qorshihiisa wuxuu ahaa in qalabka wax basaasa uu ku xiro.

Kooxdii qaabilsaneed amniga xafiiska Boris Johnson ayaa ogaatay in markii uu Netanyahu musqusha galay uu ku soo dhajiyay qalab awood u leh in wax walba oo lagu wadahadlo uu ka dhageysan karo xafiiska iyo koonihiisa.

Sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore ee UK oo xogtaan hadda kashifay ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isla sannadkaas uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ku xiray qalabkaas oo kale.

Boris Johnson ayaa intaas ku sii daray in dhaqanka uu ku arkay Netanyahu uu suurtagal ka dhigayo in meel kasta oo uu tago ama xafiis kasta oo uu booqdo uu ku soo xiro qalab uu kala soconayo kulamada ka dhacaya xafiisyada muhiim ka ah ee dalalka kale.

Netanyahu oo muddo dheer ahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, waxaa lagu tilmaamaa nin dhagar badan oo isku daya inuu ogaado wax kasta oo dunidaan ka socda ama hoggaamiyaasha caalamka ay ku fekerayaan.

Hoggaamiyaasha ogaada in la basaasay inta badan ma sheegaan, balse Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK, Boris Johnson ayaa hadda kashifay xogtaan, iyadoo aan la garaneyn sababta ku kaliftay

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleMaraykanka oo Taageeray in Ciidamada Itoobiya Ka Baxaan Soomaaliya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashi qaran oo laisku Mari la’yahay