Home Wararka Maanta Boqortooyada Sucuudiga oo si cad u diiday hadallo kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha...

Boqortooyada Sucuudiga oo si cad u diiday hadallo kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu

0

Boqortooyada Sucuudiga ayaa si cad u diiday hadallo kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo ku saabsanaa ka barakicinta Falastiiniyiinta dhulkooda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga Axadda maanta ah.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa soo jeediyay in la dhiso dowlad Falastiini ah oo lagu aas-aaso dhul Sucuudi ah. Netanyahu ayaa u muuqday inuu kaftamayo Khamiistii markii uu ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay weriye ka tirsan Channel 14 oo taageera Netanyahu, kaasoo si khalad ah u yiri “dawladda Sucuudiga” halkii uu ka oran lahaa “dawladda Falastiin,” ka hor inta uusan saxin.

Inkasta oo bayaanka Sucuudiga lagu xusay magaca Netanyahu, haddana si toos ah looguma xusin hadallada ku saabsan dhisidda dowlad Falastiini ah oo laga unko dhulka Sucuudiga.

Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay soo jeedimaha Israa’iil, iyadoo Qaahira ay ku tilmaantay fikraddaas “ku xad-gudub toos ah oo lagu sameynayo madax-bannaanida Sacuudiga.”

Boqortooyada ayaa soo dhoweysay “diidmada dalalka walaalaha ah ee ku wajahan hadallada Netanyahu.”

“Maskaxda xag-jirka ah ee gumaysiga taageerta ma fahamsana waxa dhulka Falastiin uu uga dhigan yahay shacabka walaalaha ah ee Falastiin iyo xiriirka damiirka, taariikhiga, iyo sharciga ah ee ka dhaxeeya iyaga iyo dhulkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dalalka Carabta ayaa si adag u cambaareeyay hadallada Trump, kuwaasoo yimid xilli xabbad-joojin jilicsan ay ka jirtay dagaalka Gaza oo Israa’iil ay kula jirto kooxda Xamaas, taasoo gacanta ku haysa Marinka.

Trump ayaa sheegay in Sacuudiga uusan dalbanayn dowlad Falastiini ah si uu xiriir ula yeesho Israa’iil. Balse Riyadh ayaa si cad u beenisay hadalladiisa, waxayna sheegtay inaanay wax xiriir diblomaasiyadeed la yeelan doonin Israa’iil ilaa la dhiso dowlad Falastiini ah.

Mas’uuliyiinta Gaza ayaa sheegay in dagaalka uu dilay in ka badan 47,000 oo ka mid ah ku dhawaad 2 milyan oo Falastiiniyiin ah oo halkaas ku nool.

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka

Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool

Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ad
Previous articleXaalada Dalka Itoobiya oo kasii Daraysa iyo Dagaalo Cusub oo laga CabsiQabo
Next articleDowlada Soomaaliya oo si adag ugu jawaabtay Raysulwasaaraha Israil