Home Wararka Maanta Boqoortooyada Sacudiga oo ku dhawaaqday arrin ka farxisay dowlada Soomaaliya

Boqoortooyada Sacudiga oo ku dhawaaqday arrin ka farxisay dowlada Soomaaliya

0

Ka dib markii dhawaan dowladda Sacuudigu shaacisay in Soomaaliya ay kaalinta 5-aad ka soo gashay dalalka sanadkaan sida wanaagsan ugu adeegay xujeydooda ayaa maanta waxaa xafiiska Arrimaha xajka dowladda Soomaaliya ee Magaalada Makkah ka qabsoomay shir arrintaas ku saabsan.

Shirka waxaa ka qeyb galay madaxda bicisada dowladda Soomaaliya iyo Guddi wasaaradda xajka dowladda Sacuudiga ay u xilsaartay qiimeynta dalalka muteystay abaalmarinta, waxaana Soomaaliya si rasmi ah loogu wargaliyay inay musharax u tahay jaa’isadaan oo noqoneysa markii ugu horreeyey ee Soomaaliya soo gasho liiska musharixiinta.

Madaxa xafiiska Arrimaha Xajka dowladda Soomaaliya Dr Khadar Xaaji daahir ayaa faah faahiyey muhiimadda kulankaan, wuxuuna sheegay in ay meel fiican marayaan howlaha adeegga Xajka, isagoo dhinaca kalena sheegay in  in qiimeynta oo labo mar la sameeyo ay Soomaaliya ku soo baxdey Liiska koobaad ee gaaban.

“ Waa arrin aad loogu farxo in aan soo galno liiska Wadamada ugu horeeya, taasi waxa ay ku timid dadaal aanu sameyney” ayuu yiri Khadar.

In Dowlada Soomaaliya ay safka hore ka gasho Qiimeynta Wadamada safka hore kaga jira wadamada sida wanaagsan u nidaamiyay xujeydooda ayaa ku soo beegmey, xilli wasaarada diinta iyo Awqaafta dowlada federaalka Soomaaliyeed ay waqti hore bilowdey abaabulka howlaha Xajka, taasi oo keentey in dowlada Sacuudiga ay ku amaanto.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleWasiirro ku hanjabay in ay bur burin doonaan Xukuumadda Isreal iyo Sababta keeneysa
Next articleTaliye Cabdulqaadir Dagaal oo Goordhow La Dilay iyo Xiisad Culus oo Taagan