Home Wararka Maanta Boqolaal qof oo ku dhintay dhulgariir xooggan oo u dhuftay magaalada Cianjur...

Boqolaal qof oo ku dhintay dhulgariir xooggan oo u dhuftay magaalada Cianjur (Sawirro)

0

Dhulgariir ku dhuftay Galbeedka jasiirada Java ee dalka Indonesia ayaa dilay ugu yaraan 268 qof, oo badankood ay caruur yihiin, iyadoo 151 qof wali la la’yahay, sida ay sheegeen saraakiisha gargaarka musiibooyinka, iyadoo samata bixiyeyaashu ay baarayaan burburka dhismayaal dumay si ay uga badbaadaan.

Dhul gariirkan oo cabirkiisu ahaa 5.6 magnitude ayaa ka dhacay gobolka ugu dadka badan dalka Indonesia, waxaana uu sababay burbur xoogan oo soo gaaray magaalada Cianjur oo qiyaastii 75 KM dhanka koonfur bari kaga beegan caasimada Jakarta.

Madaxa hay’adda musiibooyinka Suharyanto ayaa warbaahinta u sheegtay in in ka badan 1,000 qof ay ku dhaawacmeen, 58,000 oo qofna ay ku barakaceen, 22,000 kun oo gurina ay burbureen.

Dhul go’a iyo dhul qallafsan ayaa carqaladeeyay dadaallada samatabbixinta Talaadadii, ayuu yiri Henri Alfindi, madaxa Hay’adda Raadinta iyo Samatabbixinta Qaranka (Basarnas).

“Caqabadda jirta ayaa ah meelaha ay dhibaatadu saameysey oo fidsan… Waxaa intaa dheer, waddooyinka tuulooyinkaas ayaa burbursan,” Alfindi ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Qaar badan oo ka mid ah dhibanayaasha ayaa ahaa caruur ku sugnaa iskuul xilliga uu dhulgariirka dhacay, ayuu yiri.

Saraakiisha ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka ay dhinteen ka dib markii ay dumeen dhismayaal aan si wanaagsan loo dhisin, iyadoo madaxweynaha uu ku baaqay in dib u dhis lagu sameeyo si loogu daro guryo aan dhulgariirka dumin karin

Madaxweyne Joko Widodo ayaa u safray Cianjur Talaadadii si uu u dhiirigaliyo samatabbixiyeyaasha.

“Awaamiirtaydu waa in aan mudnaanta siiyo daadgureynta dhibbanayaasha weli ku hoos jira burburka,” ayuu yiri.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleWasaarada Maaliyada Somalia oo ka jawaabtay eedayntii uga timid hanti dhowraha Qaranka
Next articleIndhacadde: Waligey dagaal kuma guuldareysan ee hogaankiisa noo dhiiba