Home Wararka Maanta Booliska Soomaaliya oo Xabsiga Ku Guray Dhalinyaro Dhaqan layaab leh ka Bilaabay...

Booliska Soomaaliya oo Xabsiga Ku Guray Dhalinyaro Dhaqan layaab leh ka Bilaabay Muqdisho(Sawiro)

0

BOOLISKA OO SOO XIRAY DHALINYARO BARAHA BULSHADA KA BAAHINAYEYSAY FARIIMO KICINAYA COLAADO DADWEYNE.

Muqdisho, 19 May 2024: Booliska Soomaaliya ayaa howlgal Muqdisho ka socday 24 saacadood ku soo xiray dhalinyaro isugu jirta gabdho iyo wiilal, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok ka waday kicin bulsho.

Tirada dhalinyarada la soo xiray ayaa ah 21 qof, kuwaas oo bulshada dhaxdeeda ka waday “anshax xumo iyo kala qoqob” sida lagu sheegay qoraalka booliska.

Baaritaan ku saabsan kiisaska loo heysto dhalinyaradaan ayuu bilaabay Booliska Soomaaliya, si looga gun gaaro, cida soo abaabushay falalka ay ku kaceen dhallinyaradaan.

“Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan falalka anshax xumada ah, hadalada kicinaya bulshada iyo aflagaadada muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleWasiirka dagaalka ee Israa’iil Benny Gantz ayaa ku hanjabay in uu is casili doono haddii uusan Netanyahu dejin qorshe dagaal xili Xaladu ku xuntahay Israil
Next articleWasiir Fiqi oo Jawaab Cajiib ah Siiyay Farmaajo iyo Shiikh Shariif