Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa markii u horreysay ku dhowaaqay inay u diyaar garobeen doorashooyinka qof iyo codka ah.
Hanaankan doorasho ee taliska ciidanka booliska uu sheegay inuu diyaar ugu yahay si buuxda ayaa ah mid si weyn loogu muransan yahay, iyadoo weli ay ku adkeysaneyso dowladda federaalka inay dalka ka qabsoomeyso doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaridka u arkaan mid aan cadaali aheyn, lagana leeyahay ujeedooyin kale.
Taliye Asad Diyaano ayaa hadalkan ka sheegay in shir kulanka todobaadlaha ah ee hoggaanada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa-banaan ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, kaasi oo xalay ka qabsoomay xarunta taliska, uuna guddoomiyey taliyaha.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amaanka guud ee dalka iyo ka hortagga falalka amniga lidka ku ah ee kooxaha argagixisada gaysato, maadama ciidamadu u diyaarsan yihiin in doorka uga aaddan ka qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka ka qabsoomaya dhawaan.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale saraakiisha faray inay ka feejignaadaan ciidamadu dhagarta Khawaariijtu shacabka u maleegayaan.
Ugu dambeyntiina waxa uu taliyuhu ka codsaday shacabka inay laamaha ammaanka ku wergeliyaan meelkasta oo ay joogaan cidda ay ka shakiyaan, si markabiiba looga howl-galo, loogana qabto umadda.
Si kastaba, hanaanka doorasho ee qof iyo cod oo si weyn gadaal uga riixeyso Villa Somalia ayaa loo arkaa mid aan xilligaan la jaanqaadi karin wadci dalka, oo qeybo kamid ah ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa su’aal la geliyay heerka hufnaantiisa, maadaama illaa hadda uu la dhacsan yahay dhinac gaar ah.