Home Wararka Maanta Booliska oo Soo Saaray Amar Dadka Reer Muqdisho aad usoo Dhaweyeen

Booliska oo Soo Saaray Amar Dadka Reer Muqdisho aad usoo Dhaweyeen

0

Taliska Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kan gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray amar cusub oo la dul-dhigay gaadiidka lagu wato gudaha magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Booliska ayaa shacabka caasimadda ku wargeliyay in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 18/06/2024 aan la ogoleyn gaadiid bilaa taariko ah oo maraya waddooyinka magaalada Muqdisho, ama lagu dhex wato caasimadda.

“Fadlan muwaadin kala shaqee hay’adaha amniga sidii loo sugi lahaa amnigga caasimadda oo gadiidkaga ku xiro taariko, si loo garto sumadiisa,” ayaa lagu yiri amarka cusub ee kasoo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Waxaa iska caadi aheyd sanadihii u dambeeyay in magaalada Muqdisho lagu arko gaadiid bilaa taariko ah, taasi oo meesha ka saarayo amarka booliska kasoo baxay, lamana oga inuu sidoo kale saameyn doono masuuliyiinta dowladda ee iyaguna wata baabuur bilaa taariko ah.

Booliska caasimadda ayaa muddooyinkii dambe qaadayay tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, kaasi oo qeyb uu ka yahay amarka uu maanta soo saaray.

Horey waxay dowladda caasimadda uga mamnuucday in lagu dhex wato hubka culus, ayada oo xadiday hubka lagu wadan karo magaalada, taasi oo dhowr jeer fowdo ka riday magaalada caasimadda ee Muqdisho.

Ad
Previous articleSirdoonka Israel oo xiray nin Yuhuud ah oo Somalia u soo aadi rabay arrin yaab leh
Next articleDowlada Itoobiya oo Deg Deg Uga Laabatay Go,aan ka Caraysiiyay Dowlada Soomaaliya