Home Wararka Maanta Booliska Norway oo baadi goobaya Meydka Wiiil Soomaali la tuhunsan yahay in...

Booliska Norway oo baadi goobaya Meydka Wiiil Soomaali la tuhunsan yahay in la dilay

0

Booliska gobolka Finnmark ee dalkan Norway ayaa arbacadii bilaabay qoditaanka afaafka hore ee hoolka ciyaaraha Hammarfest, iyagoo sheegaya inay ka baarayaan meydka wiil soomaali ah oo boolisku ay tuhunsan yihiin in la dilay.

Cabdullahi Mohamud Dayib oo ah 23 sano jir Soomaali ah ayaa la waayay dhamaadka bishii Desember ee sanadkii 2020, waxaana ilaa hada aan laga helin wax xog ah oo muujineyso nolol iyo geeri.

Booliska ayaa sheegay inay joojiyeen qoditaankii ay labadii (2) maalmood ee ugu danbeeyay ka wadeen goobtaas ay calaamadiyeen, kadib markii ay ka heli waayeen wax muujinayo in 23-jirka la waayay halkaas meydkiisa lagu qariyay.

Baarayaasha ayaa markii hore sheegay in tuhunsanyihiin in Abdullahi la dilay, halkaasna lagu aasay.

Pettersen oo ah Madaxa baaritaanadda booliska ayaa sheegay in boolisku weli ay tuhunsan yihiin in 23-sano jirka soomaaliga ah lagula kacay fal danbiyeed la isku dayayo in la qariyo.

“Waan sii wadi doonaa baarinaaadda kiiskan, waxaana wareysan doonaan dadka xog-ogeyaal ama markhaatiyaal noqon karo; ayuu yiri.

Cabdullahi oo sanadkii 2011 soo degay Hammarfest, ayaa sida ay boolisku sheegeen waxaa markii ugu war danbeysay ee la hubo aragtidiisa aheyd 18-kii bishii Desember ee sanadkii 2020

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleNin Itoobiyaan ah oo feer ku dilay Aamiin Siciid Sidiiq iyo Booliiska oo qabtay gacan ku dhiiglaha
Next articleWasiirka Gaashaandhiga Iyo Taliyaha CXDS Oo Axmed Madoobe Kala Hadlay Bilaabida Dagaalka Shabaab.