Waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii shalay duleedka Dhuusamareeb lagu soo bandhigay xoogag ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, kuwaas oo ka qayb-qaadanaya dagaalka Al-Shabaab.
Ciidamadan ayaa dhoolatus ka sameeyay deegaanka Mareergur oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ah goobta la’isugu keenay ciidankan oo ah dadka deegaanka..
Wararka ayaa sheegaya in xoogagan la’isaga keenay deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb illaa Xarardheere, si ay ugu biiraan gulufka ka socda Galmudug.
Sidoo kale waxaa ciidamadan booqasho ugu tegay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka, xildhibaano, senataro iyo saraakiila ka tirsan ciidamada Xoohha dalka.
Dhankooda hoggaamiyeyaasha ciidankan is abaabulay ayaa balan-qaaday inay doorkooda ka qaada doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dhexe ee dalka.
Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa si firfircoon uga socda diyaargarowga loogu jiro gulufka ay tahay in jiridda loogu siibo Shabaabka hubeysan.
Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud u ah dagaalka ayaa Dhuusamareeb u jooga hagida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.