Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool muddo isbuuc ah waxaa ka socda rabshado dhiig badan ku daateen oo u dhaxeeya shacabka ku dhaqan magaaladaasi iyo ciidamada ammaanka maamulka Somaliland.
War kooban oo kasoo baxay wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya qaarkood ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee lagu dilayo dadka shacabka ah.
”Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan” ayaa lagu yiri qoraalka beesha Caalamka.
Beesha Caalamka warka ay soo saareen ayey ugu baaqeen dhinacyada rabshadaha u dhaxeeyaan in xaalada dejiyaan, sidoo kale wadahadal lagu xaliyo xiisadaha ka taagan magaalada ee gacan ka hadalka dhaliyay.
”Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahada” ayaa lagu yiri qoraalka wakiiladda beesha caalamka ee jooga Muqdisho.
Ciidamada maamulka Somaliland ayaa dilay dad badan oo shacab ah oo dhigayay dibad baxyo looga soo horjeeday, waxaana xaalada ka taagan magaalada Laascaanood u muuqata amid kasii dareysa.