Home Wararka Maanta Beesha Caalamka oo Soo Faragalisay Khilaafka Xasan Shiikh iyo Axmed Madoobe

Beesha Caalamka oo Soo Faragalisay Khilaafka Xasan Shiikh iyo Axmed Madoobe

0

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah oo ay kaga hadleen xiisadda dowladda federaalka iyo Jubbaland, iyagoo ku baaqay in hoos loo dhigo khilaafka siyaasadeed ee cirka isku sii shareeraya.

Sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha Jubbaland ugu baaqday inuu ku soo laabto shirka golaha wadatashiga qaranka, si khilaafka loo xaliyo inta aan la dhameystirin ansixinta baarlamaanka ee shuruucda doorashooyinka.

Qoraalkaan waxaa sidoo kale farriin loogu diray siyaasiyiinta mucaaradka ah, waxaana loogu baaqay inay tagaan miiska wadahadalka, iyadoo la joojinayo kicinta xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka:

Muqdisho, 20 Nofeembar 2024 – Saaxiibada Caalamka ayaa ka walaacsan khilaafka cirka isku shareeray ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedka Jubaland, kadib kulankii dhowaan u qabsoomay Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ).

Waxaan ku boorrineynaa dhammaan saamilayda inay ka qaybgalaan doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada.

Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa lagu boorrinayaa inay dib ugu laabato GWQ si wadahadal furan looga yeesho dhammaan arrimaha taagan, loonasoo celiyo xiriirkii kala dhaxeeyay DFS.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay joojiyaan xiisad-abuuridda oo ay dib u billaanaan wadahadal furan, ka-hor inta aan la dhamaystirin geeddi-socod kasta ee doorasho.

Saaxiibada Caalamku waxay Soomaaliya ka taageeraan horumarinta ajendaha dawlad-dhisidda, oo ay ku jiraan hanka/hamiga loo qabo in si hore-u-socod leh loogu gudbo doorasho qof-iyo-cod ah, iyadoo loo marayo nidaamyo doorasho oo si isasoo taraysa looga wada qayb qaato, loona dhanyahay.

Tani waxaa kamid ah kasbashada taageero dadweyne iyo mid siyaasadeed, iyadoo la horumarinayo hababka doorashada, iyo jadwal waqtiyaysan oo shaqayn kara oo lagu dhameystiro doorashooyinka, kuwaas oo ah kuwo loo dhan yahay, oo si mug leh loo aqbalo, lana xaqiijin karo, isla markaana damaanad qaadaya amniga iyo xasilloonida qaran.

*Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Iswiidhan, Iswisarland, Jabuuti, Jarmalka, Qadar, Qaramada Midoobay, Ruushka, Spain, Talyaaniga, Turkiga, Urur-Goboleedka (IGAD), Ururka Jaamacadda Carabta (LAS) iyo Wafdiga Midowga Yurub.

Ad
Previous articleCabdiraxman Ciro Ma Dhaqan Galin Doonaa Heshiiskii Muusa Biixi iyo Itoobiya ew Badda?
Next articleMarkab kale oo Shidaal baraaya oo Soo Gaaray Muqdisho