Home Wararka Somaliya Galmudug Beelaha Sacad iyo saleebaan oo Mudo kadib Maantay Dagaal dhex maray

Beelaha Sacad iyo saleebaan oo Mudo kadib Maantay Dagaal dhex maray

0

Iska Hor imaad Khasaare geystay una dhexeeyey Beelo Walaalo oo ka soo kala jeedda Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa maanta ka dhacay deganka Baxdo gaabo toloyin hoos yimaada iska Hor imadkan ayaa yimid ka dib markii Labada dhinac uu dhex-maray Muran dhanka Dhul daaqsimeed ku saleysan,

Sida la xaqijiyey khasare dhimasho Dhawac sababay ayaa labada dhinac soo kala gaaray Dhimashada hal qof iyo dhaawaca Sadex kale ayaa Kadhashay Dagaal ka socda Deegaanada Faryar iyo Laasbuur oo hoostaga Deegaanka Docoley ee Gobolka Galgaduud

Dagaalkaan ayaana U dhaxeeya Maleeshiyaad ka kala Tirsan beelaha Sacad iyo Saleebaan oo Dagaal Dhexmara Mudo Dheer ugu Danbaysay Tan iyo aasaaskii Galmudug loo Dhanyahay Majirin Dagaal Dhexmaray Belahaan oo Heshiis Dheer Dhexyaalay.

Galmudug ayaa Haatan Dhex Maquuranaysa Dagaal Beeloodyo Xarga Goostay oo Ilaa Haatan Xal loo la’yahay Maarayntooda.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Mamnuucday Diyaarada Drones ee Wax Duuba