Home Wararka Somaliya Galmudug Beelaha Sacad iyo Saleebaan oo Markale Xalay Dagaal Dhexmaray iyon Khasaraha Kala...

Beelaha Sacad iyo Saleebaan oo Markale Xalay Dagaal Dhexmaray iyon Khasaraha Kala Gaaray

0

Shalay ayay ahayd Markii uu Dagaal Dhexmaray Beelaha sacad iyo Saleebaan oo Mudo Fog aan Dagaal Qabiil Dhex Marin Dagaalka Shalay ayaa Ka dhacay Degaan Hoos Taga Magaalada Baxda Gaabo kaas oo lagu Magacaabo Wanakiir oo Aywada dagaan Labada Beelood.

Dagaalka ayaa Bilowday Kadib Markii Rag Ka Tirsanaa Beesha Saleebaan reer Muuse ay Dileen nin Sacad ahaa oo Reer Cabdi ah Darisna ay ahaayeen intaas kadib Waxaa Weerar aar goosi ah Soo Qaaday Beesha Sacad kuwaas oo la kulmay Dagaal iska Caabin ah.

Dagaalka oo Xoga Socda ayaa Waxaa Sacad ka dhimatay Laba nin Halka Saleebaan laba Ka dhimatay Dhaawacyo badan ayaana lakala Gaystay Gaalkacyo iyo Cadaado.

Xalay ayaa Meeshii Dagaalku ka dhacy Meel U dhow ayaa Hadana Waxaa lagu Dilay nin Ka Tirsanaa Beesha Sacad Ciidamo Shalay Gaaray oo ka Socday Galmudug ayaan Meeshaas agteeda Ku Sugnaa Kuwaas oo Markii Xabada ay Maqleen ku dhaqaaqay.

Maleshiyaadkii Saleebaan ee Wax Dilay Iyo Ciidamadii nabadSugida Galmudug ayaa Markale Fooda Isdaray Durbadiiba Waxaa Messha Ku Dhintay Mid Kamid aha Ciidamada NISA basle kasoo Jeeday Beesha Saleebaan.

Ciidamada Galmudug ayaana Haatan ku sugan Goobihii Shalay iyo Xalay Lagu Dagaalamay ayagoo Baadi Goobaaya Ragii Xalay Wax Dilay Wacadna Ku maray Cidii Xabad Danbe Rida in Lala Dagaali Doono.

Beelaha Sacad iyo Saleebaan ayaana Mudo Fog Wax Dagaal ah Dhexmarin Dagaladaan ayaana Lagu Micneeyey Kuwa Lagu Carqaladaynaayo Dhisamaha Dekeda Hobyo oo Dhawaan La Bilaabi Doono.

Ad
Previous articleLaftagareen oo amray inaan La’aasin Askartii Habeen Hore lagu laayay Afgooye
Next articleCiidamada Darwiishta Galmudug oo Alshabaab ka Saaray Degaanka Qaycad