Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Bashar al-Assad oo faahfaahin ka bixiyay qaabakii uu uga soo baxay Suuuriya

Bashar al-Assad oo faahfaahin ka bixiyay qaabakii uu uga soo baxay Suuuriya

0

Barta ay madaxtooyada Suuriya ku leedahay Telegram-ka ayaa la soo dhigay qoraal loo aaneynayo ama la sheegay inuu yahay mid ka yimid Bashaar Al-Asad, balse BBC-du uma suuragalin inay xaqiijiso xaqiiqada hadalkaas.

Sida lagu sheegay bayaanka la sheegay inuu ka yimid madaxweynahii Suuriya ee la afgambiyey, Assad ayaa sheegay in ka bixitaankiisa Suuriya aanu ahayn mid qorshaysanaa, isagoo xusay inuu dalkaas ku sugnaa ilaa saacadihii hore ee Axadda, December 8, 2024.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Assad uu markii hore u baxay Latakia isagoo kaashanaya Ruushka oo ay xulufo yihiin, isagoo xusay in subaxnimadii Axadda markii uu gaaray saldhigga ciidamada cirka ee Hmeimim ay caddaatay in “ciidankayaga ay gebi ahaanba isaga baxeen dhammaan jiidaha hore ee dagaalka, iyo in ciidamadii ugu dambeeyay la jabiyay.”

Bayaanka ayaa xusay in Assad uusan marnaba ka fikirin waqti kasta inta lagu guda jiray xaaladdaasi is-casilaad ama magangelyo-doon, laakiin qorshihiisu ahaa in uu sii wado dagaalka ka dhanka ah “weerarada argagixisada.”

Bayaanka la sheegay inuu ka yimid madaxweynaha la afgambiyey ee Suuriya Bashaar Al-asad ayaa lagu bidhaammiyay in tan iyo maalintii ugu horraysay ee dagaalka, “Al-Asad waxa uu diiday in uu ka tanaasulo badbaadinta dalkiisa isaga oo ku beddelanaya dano gaar ah ama dadkiisa oo uu ku beddesho dalabyo u imanayay”.

Warku waxa uu intaa ku daray in sanadihii la soo dhaafay uu Al-Asad ku sugnaa dalka Suuriya isaga iyo qoyskiisa oo ay garab taagan yihiin shacabka, iyagoo wajahaya argagixisada duqeymo iyo hanjabaado isdaba joog ah oo ahaa inay gudaha u soo galayaan caasimadda dalkaasi 14-kii sano ee dagaaladu socdeen.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Assad uusan jagada u doonan “dano shaqsiyadeed darteed.”

Dhammaadkii bayaanka loo nisbeeyey Assad, waxa uu sheegay in marka “dawladdu ay gacanta u gasho argagixisada, jago kastaa ay noqoto mid aan qiimo lahayn.”

” Kala diridda dhammaan kooxaha hubeysan”

Dhanka kale, hogaamiyaha Hayat Taxriir al-Sham, Axmed al-Sharaa, ayaa sheegay in dhammaan kooxaha hubeysan uu kala diri doono maamulka cusub.

Al-Sharaa ayaa intaa ku daray in ciidamada dowladda Suuriya oo kaliya ay qaadan doonaan hubka.

Dhanka kale maamulka Kurdiyiinta uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo “wadahadal qaran oo dhameystiran” oo lala yeesho madaxda cusub ee Dimishiq.

“Boos ugama banaano xagjirnimada iyo Iran” Suuriya

Dhanka kale, Madaxweynaha guddiga midowga Yurub, Kaya Kalas, ayaa u sheegay wariyeyaasha Isniintii, ka dib markii ay la kulantay wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, in xagjirnimada, Ruushka iyo Iran ay tahay inaysan boos ku yeelan mustaqbalka Suuriya.

“Wasiirro badan oo arrimaha dibadda ah ayaa ku nuux-nuuxsaday in baabi’inta saameynta Ruushka ay tahay in ay shuruud u noqoto maamulka cusub,” ayay Kallas intaa ku dartay.

Waxay sheegtay in Midowga Yurub uu “ku soo qaadi doono arrinta” labada saldhig ee milatari ee Ruushka iyo hoggaanka cusub ee Suuriya, ka dib markii tiro ka mid ah wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub oo shir ku yeeshay Brussels ay ugu baaqeen hoggaamiyeyaasha cusub ee Suuriya inay ka saaraan Moscow halkaasi.

Waxay carrabka ku adkeysay in madaxa howlgalka Yurub ee Suuriya uu booqday Dimishiq Isniintii oo uu la kulmay mas’uuliyiinta cusub, iyada oo sharraxday in ilaalinta madaxbannaanida Suuriya iyo wakiillada dhammaan qaybaha dowladda ay yihiin arrimo muhiim ah.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleAlshabaab oo Qaraxyo ku Xiray Xaafado Xirtay Camerada CCTV
Next articleXukuumada Cusub ee Ciro oo Ka Hadashay Sida ay ka yeelaayaan Heshiiskii Bada ee Muuse Biixi iyo Abiya Axmed