Home Wararka Maanta Barlamaanka Turkiga oo Sanad ku Korshiyay Hawlgalkiisa Somaliya iyo Gacanka Cadan

Barlamaanka Turkiga oo Sanad ku Korshiyay Hawlgalkiisa Somaliya iyo Gacanka Cadan

0

Golaha guud ee baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay soo jeedinta madaxweynaha dalkaasi Rajab Dayib Ordugan ee ah in muddo sanad ah loogu kordhiyo howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka Cadan iyo Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay wargeysyada maxaliga ah, sida uu turjumay New Turkey Post, Golaha loo dhan yahay ayaa ka shiray qaraar qabyo ah oo lagu kordhinayo howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka cadmeed, badda Soomaaliya iyo badda Carabta muddo sanad ah.

Qoraalka madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in askarta Turkiga ay u adeegaan qaab dhismeedka Qaramada Midoobay iyo NATO.

Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay doorka Turkiga ee sugida amniga maraakiibta xiriirka la leh Turkiga ee gobolka iyo la dagaalanka burcada hubaysan iyo argagixisada badaha.

Kadib khudbadihii wakiilada xisbiyada siyaasada ee golaha loo dhanyahay ayaa cod loo qaaday soo jeedinta madaxweynaha ugu dambeeyna lagu ogolaaday in muddo sanad ah loo kordhiyo.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDagaal Saacada Badan Qaatay oo Wali kasocda Baardheere iyo Saraakiil ku dhimatay
Next articleDagaalka Baardheere oo lagu dilay Guddoomiyahii Arrimaha bulshada degmadaasi