Home Wararka Maanta Barlamaanka Puntland oo dhaariyay Xildhibaanada Cusub ee badalay kuwii Xasaanada laga qaaday

Barlamaanka Puntland oo dhaariyay Xildhibaanada Cusub ee badalay kuwii Xasaanada laga qaaday

0

Fadhiga 25-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashid Yusuf Jibroil oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa ee koobaad iyo labaad ayaa maanta looga hadlay soo jeedinta ogolaanshaha Xubinnimada 8 Xildhibaan oo cusub iyo ka doodista Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.

Kulanka Golaha intiii uu socday ayaa waxaa goobta lagu dhaariyay 8 Xildhibaan oo cusub kuwaas oo bedelay Xubnihii hore ee laga Xayuubiyey Xubinnimadii iyo Xasaannadii ay lahaayeen.

Xildhibaannada Cusub ee Maanta loo dhaariyay kamid noqoshada Golaha Wakiilada puntland oo gaaraya 8 mudane ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

  1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)
  2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
  3. Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase
  4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac
  5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)
  6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)
  7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse
  8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood

8 mudane oo horay Xasaanada iyo xubinimada Baarlamaanka Puntland laga xayuubiyay ayaa kasoo horjeestay, iyaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah oo looga hortayay mooshin ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleGuddoomiyaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo qaadacay shirka Dhuusamareeb
Next articleGaalkacyo oo lagu qabtay Kulan looga Hadlayo Amaanka Magaalada ee Sii Xumaanaya