Home Wararka Caalamka Barlamaanka Iiraan oo Dalbanaya in la joojiyo Wadashaqeynta Hay’ada IAEA

Barlamaanka Iiraan oo Dalbanaya in la joojiyo Wadashaqeynta Hay’ada IAEA

0

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Mehr, 221 xubnood ayaa u codeeyay sharciga soo jeedinaya in la hakiyo wada shaqaynta uu dalku la leeyahay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ee IAEA.

ma jiro qof kasoo horjeestay Sharcigan iyadoo uu jiray hal qof oo ka aamusay, ayay warbixintu raacisay.

Sharcigu wuxuu mamnuucayaa gelitaanka kormeerayaasha IAEA ilaa amniga xarumaha aan la dammaanad qaadin.

Laakin wali waxaa looga fadhiyaa golaha sare ee amniga qaranka in uu go’aan kama dambeys ah ka gaaro talada baarlamaankana uu qaado.

Baarlamaanka Iran ayaa sidoo kale bilaabay inuu dib u eegis ku sameeyo hindise sharciyeedka mamnuucida adag ee isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ad
Previous articleSweden oo 7 Sano ku Xukuntay Dhaqtar lagu Helay Dambiyo Galmo ah
Next articleKoofi oo sheegay inuu jiro qorshe ay Dowladda ku beegsanayso xubno ka tirsan Mucaaradka