Home Wararka Maanta Barfasoore baangad ku eryatay wariye oo tallaabo laga qaaday

Barfasoore baangad ku eryatay wariye oo tallaabo laga qaaday

0

Barfasoore wax ka dhigta jaamacadda Hunter ee dalka Maraykanka ayaa shaqada laga eryay ka dib markii ay weriye iyo sawir qaade ka tirsan war geyska New York Post ku handadday baangad.

Saxafiyiinta ayaa isku dayayey Shellyne Rodriguez kala hadlaan dhaleecayn ay usoo jeedisay dadka u dhaqdhaqaaqa ka hor tagga uur soo xaaqidda ee laanta jaamacaddeda ee ay baraha ka tahay, ayaa lagu yiri wargeyska.

Ms Rodriguez ayaa suxufiyiinta waddada kula daba kacday baangad sida ka muuqata muuqaal la duubay.

Kuleejka Hunter oo qayb ka ah jaamacadda caasimadda New York, ayaa xaqiijiyey in “shaqada laga eryayay”.

Weriye Reuven oo uu wehliyo sawir qaade ayaa aaday guriga Ms Rodriguez si ay wax uga wydiiyaan muuqaal baahay oo ay ku dhaleecaynayso arday kasoo hor jeeday soo xaaqidda ilmaha oo jaamacddeeda ka tirsanaa.

Sida lagasoo xigtay wargeyska waxay ku qaylisay, ” albaabka ii dhaafa haddii kale baangaddan ayaan idinku jarjarayaa.”

Qormada wargeyska ayaa lagu sheegya in ay “suxufiyiinta qoorta ka saartay baangadda” ka dib markii ay afaafka ka furtay.

Ad
Previous articleGanacsato loo haysto kiis xasaasi ah oo la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir
Next articleAqalka hoggaamiyihii dilay in ka badan lix milyan oo Yuhuud ah oo qorshe cusub loo sameeyay