Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama ayaa duray gabood-fallada ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.
“Waxa Xamaas ay sameysay waxa ay ahayd wax laga naxo, oo aan qiil loo heli karin. Waxa kale oo run ah in qabsashadii iyo waxa ku dhacaya Falastiiniyiinta ay yihiin wax aan loo adkeysan karin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalkaasi Mareykanka.
“Waxa run ah in ay jiraan dad hadda dhimanaya oo aan shaqo ku lahayn waxa ay Xamaas sameysay,” ayuu yiri Barack Obama.
Waxa kaloo uu sheegay in dunida ay muddo dheer ku guuldareysatay xal u helidda colaadda soo noqnoqotay ee Israel iyo Falastiiniyiinta, marka aad eegto sida labada dhinac ay ugu kala fogan yihiin arrinta taagan.
Obama ayaa sheegay inaanay arrintan xal u noqon karin wararka halka dhinac ee barraha bulshada la iska dhex marayo, isagoona dadka uga digay inaanay ku kadsoomin wararkaasi. Waxa uu ku baaqay in si qoto dheer loo fahmo colaadda labada dhinac, isagoona yiri “Qofna gacmihiisa nadiif ma ahan.
Obama ayaa yiri “Waxaad iska dhigi kartaa inaad runta ku hadasho, waxaad ku hadli kartaa hal dhinac oo runta ah, xaaladaha qaarkood, waxaad isku dayi kartaa inaad ilaaliso akhlaaqdaadaa, laakiin taasi ma xallin doonto dhibaatada taagan.”
Obama ayaa sheegaya in dhinacyada la kala safan Falastiiniyiinta iyo Israel ay tahay in ay qiraan in xiisadooda ay tahay mid xasaasi ah, iyagoo ku dabaqaya cabashooyinka saxda ah ee dhinacyada.
Obama ayaa intaasi ku daray “Haddii ay jirto wax fursad ah, si aan si wax ku ool ah wax uga qabano, waxay u baahnaan doontaa ogolaanshaha dhinacyada iyo ilaalinta waxa dusha sare ee laga yaabo inay u muuqdaan fekrado iska soo horjeeda.”
Obama ayaa xilligii uu u tartamayay xafiiska waxa uu ku ololeynayay in uu xalin doono colaadda labada dhinac, balse aanu ku guuleysan.