Home Wararka Maanta Bannaan baxayaasha Kenya oo ku gooddiyay in ay gudaha u galayaan garoonka...

Bannaan baxayaasha Kenya oo ku gooddiyay in ay gudaha u galayaan garoonka diyaaradaha ee JKIA

0

Kusimaha taliyaha Guud ee Booliska Douglas Kanja Kirocho ayaa uga digay dibadbaxayaasha in aysan isku dayin in ay galaan goobaha ay dowladdu ilaaliso iyadoo ay socdaan mudaaharaadyada looga soo horjeedo dowladda.

Intii uu socday shirka jaraa’id, Kanja wuxuu sheegay in warbixinnada sirdoonku ay muujinayaan in mudaaharaadyada hadda ay wataan falal rabshado ah oo ay fuliyeen dambiilayaal.

“Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo, mudaaharaadka hadda socda waxa uu noqday meel ay ku dhuuntaan dambiilayaasha, kuwaas oo ku dhiiraday inay dhacaan oo ay burburiyaan hantida dadka Kenyaanka ah ee dadaalka badan”.

Sarkaalkan ayaa ka soo horjeestay baaqii dhalinyarada Kenya ee ahaa in ay gudaha u galaan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta si ay uga dhiidhiyaan maamulka Ruto.

Sida laga soo xigtay xafiiska booliiska, dhammaan meelahasida weyn loo ilaaliyo ayeysan sharci ahayn in gudaha loo galo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in sharciga duulista hawada Kenya uu sheegayo in aysan sharciga waafaqsaneyn in lagu xad gudbo dhul kasta oo ka mid ah garoomada diyaaradaha dowladda.

“Lama aqbali doono in garoonka la soo galo haddii aadan ogolaansho heysan, taasi lama aqbali doono” ayuu yiri Taliyaha Booliska.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleKamala Harris oo cagta saartay waddadii ololaha isla maantaba iyobTrump oo Xaalku Ku xunyahay
Next articleTiro ka badan146 ruux oo ku geeriyooday Itoobiya kadib Markii uu Dhulku la Go’ay