Home Wararka Maanta Bankiga Dhexe ee Somalia oo Abaal Marin Caalami ah Ka Helay hay’adda...

Bankiga Dhexe ee Somalia oo Abaal Marin Caalami ah Ka Helay hay’adda Central Banking

0

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay abaalmarin caalami ah oo ay bixiso hay’adda Central Banking, sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka bangiga dhexe.

Qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in abaalmarintan uu ku muteystay horumarka uu ka sameeyay dib-u-habaynta kaabayaasha maaliyadda ee dalka, gaar ahaan hirgelinta hanaanka lacag-bixinta Qaranka, oo isku xira dhamaan bangiyada dalka oo dhan.

Hanaanka lacag bixinta Qaran waxaa si buuxda loo hirgeliyay sanadkii 2022-kii.

Abaalmarinta ayaa waxa uu Bangiga Dhexe ku tilmaamay aqoonsi weyn oo ka tarjumaya dadaalka iyo howl-karnimada ay muujiyeen hawl-wadeenada iyo maamulka, oo horumar la taaban karo ka gaaray dib-u-dhiska hanaanka maaliyadeed ee dalka.

“Waa guul weyn oo usoo hooyatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka uu soo saaray Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka mahad-celiyay guddida abaalmarinta hay’adda Central Banking, ee u gartay abaalmarinta kadib markii ay qiimeyn la xiriirta hal-abuurka kaabayaasha lacag-bixinta ku sameeyeen Bangiyada Dhexe ee caalamk.a

“Abaalmarintan caalamiga ah waxay caddayn u tahay horumarka uu Bankiga Dhexe ka sameeyay dib-u-dhiska kaabayaasha maaliyadda ee dalka. Waxaan rajeynaynaa in guushani ay kor u qaadi doonto kalsoonida bangiyada addduunka ay ku qabaan hannaanka maaliyadda Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Tani waxay horseedi doonta in bangiyadeenu la-macaamilaan kuwa caalamka oo ay sannado badan caqabado ka haysteen.”

War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay in Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xasillonida hanaanka maaliyadda iyo koboca dhaqaalaha dalka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Shiinaha Xi Jinping oo si diirran loogu soo dhoweeyey Dalka Ruushka (Sawirro)
Next articleWeerar ku Bilowday qaraxyo oo lagu Qaaday Xero ay ku sugnaayeen Ciidmadii lagu soo Tababaray Eriteeriya