Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si adag uga hadlay heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo dowladda Itoobiya.
“Waxaan halkan farriin uga gudbinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Soomaaliya ee Muqdisho aniga oo ah guddoomiyihii gobolka Banaadir farriintaan aan gudbinaayo waxa ay tahay inaan ka jawaabno tallaabadii aan ka habooneyn dalka iyo dadka Soomaaliyeedba ee shalay ay ku dhawaaqeen Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya arrinkaas oo ah in baddii Soomaaliya uu heshiis kula galay Itoobiya” ayuu yiri.
Duqa Muqdisho ayaa xusay in heshiiskan uu xadgudub kuyahay Soomaaliya, isaga oo sheegay in Muuse Biixi uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaadka ah.
“Ma’aha arrin u qalma Soomaaliya sida aan la socono Muuse Biixi xilligiisii waa dhammaaday waxa ay ahayd inuu doorasho ka shaqeeyo dalka ayuu qaybiyay sida aan la socono, waatii dagaallo sokeey ay ka dhaceen deegaanada Somaliland” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqayaa inay arrintaas ka dhiidhiyaan, ka falceliyaan ay isu soo baxaan ay ka jawaabaan, ayna qabtaan banaanbax nabadeed” ayuu ku daray.