Home Wararka Maanta Banaan-baxayaashii lagu xiray Somaaliland oo cuntada ka soomay

Banaan-baxayaashii lagu xiray Somaaliland oo cuntada ka soomay

0

Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay xiisadda u dhexeyso mucaaradka & xukuumadda, kuwaas oo hawada isku marinayo hadallo kul-kulul oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee Somaliland.

Xoghayaha arimaha gudaha ee Xisbiga Waddani, Mudane Maxamed Faarax Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii dhowaan lagu xir-xiray dibad-baxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaalooyinka Somaliland.

Wuxuu tilmaamay in dadkaasi illaa iyo hadda aan la soo taagin wax maxkamad ah, isla-markaana ay ku xiran yihiin sifo sharci darro ah.

“Maxaabiistaa Baki sharci darro ayey ku xiran yihiin waa kow, bishii 10-keedi ayaa la xiray nimankaas illaa iyo hadda wax maxkamad ah lama keenin waxaa ku tusineysaa ku tumashada sharciga inta qof la’iska qabsado halkaas lagu xiro,” ayuu yiri xoghayuhu.

Maxamed Faarax ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha xiran ay hadda ka soomeen cuntada, gaar ahaa kuwii lagu xiray degmada Baki, halka kuwa kalena ay ku xanuunsanayaan gudaha xabsiga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xukuumadda iyo ciidamada Booliska inay xorriyaddooda dib ugu soo celiyaan dadkaasi, maadaama ay xiran yihiin dhowr iyo 10 cisho.

“Waxaa la soo sheegayaa inay cuntadii ka soomeen, waxaa la soo sheegayaa in ay qaar xanuunsanayaan sabab loo geeyey xitaa ayada oo jeelashii Hargeysa buuxin may oolin, marka waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah xuriyaddood dib loogu soo celiyo,” ayuu yiri.

Somaliland ayaa haatan wajaheyso xaalad cakiran, taas oo ka dhalatay muranka ka dhashay doorashada ee u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda Biixi.

 

 

 

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleDowlad Carbeed oo ballanqaaday in gargaar Caafmaad oo Dibada ah u fidineyso dadkii ku dhaawacmay weerarkii Hotelka Xayaat
Next articleDEG DEG:Ganacsade reer Galmudug aha oo Goordhow lagu Dilay Suuqa Bakaaraha