Home Wararka Maanta Bamaanbaxyo Culus kadib Ruto oo Markale Go,aanadisa Wax ka Badalay

Bamaanbaxyo Culus kadib Ruto oo Markale Go,aanadisa Wax ka Badalay

0

Madaxweynaha dalka Kenya,William Ruto ayaa hadal uu maanta u jeediyay dadweynaha Kenya , wuxuu ku soo bandhigay go’aamo hoos loogu dhigayo kharashaadkii xad-dhaafka ahaa ee ay bixin jirtay dawladda, tan oo uu sheegay inay ku timid cabashada dadweynaha, isagoo dhageysanaya dareenkiisana uu la jiro dadweynaha, wuxuu ku dhawaaqay go’aamadan;

Waxaa meesha laga saaray miisaaniyaddii ku bixi jirtay xafiiska marwada koowaad,marwada labaad iyo madaxa wasiirrada , waxaana meesha laga saaray shaqadooda.

Waxaa la hakiyey: in la magacaabo wasiir ku-xigeenno cusub, baabuurta cusub ee dawladda ay iibsan jirtay iyo safarradii ay ku bixi jireen shaqaalaha dawladda ee aan muhiimka ahayn.

Waxaa shaqada laga saaraya 50%  la-taliyeyaashii hay’adaha dawladda oo mushaar badan qaadan jiray.

47 hay’adood oo leh shaqooyin isku dhafan oo la kala dirayo.

Magacaabiista guddi khuburo ah oo ka soo tala bixiya deymaha badan ee Kenya lagu leeyahay oo kor u dhaafaya $80 bilyan, isla guddigaa ayaa dadweynaha usoo bandhigaya deymaha dawladda lagu leeyahay iyo hababkii ay ku baxday.

Madaxweynaha Kenya , wuxuu intaa ku daray ; “Tallaabooyinkan waxaa xigi doona isbeddello ku yimaada dawladda oo aan sameyn doono dhawaan.”

Go’aamadan ayaa ku soo aaday , kaddib in ka badan toddobaad oo dadweynaha Kenya ay isugu soo baxeen magaalooyinka waaweyn , iyagoo diiddan sharciga maaliyadda ee sare u qaadayay canshuurta, waxaa kaloo ka jiray gudaha Kenya codad badan oo diiddanaa habka ay dhaqaalaha u adeegsato dawladda oo ay ku jiraan safarrada iyo khandaraasyada badan ee dawladda ay bixiso. Hadda dadka Kenya waxay u muuqdaan kuwa ku guuleystay inay badbaadiyaan dhaqaalaha dalkooda oo ay ku sheegaan si xad-dhaaf ah in madaxda sare ay u adeegsadaan.

Ad
Previous articleKhayre oo Hadal Hayn Culus ka Abuuray Xisbiyada Doorashada Maraykanka ku loolaamaaya
Next articleAlshabaab dagaal culus kula Wareegay Goofgaduud Askar Noolna Watay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here