Gudooomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcale (Madaale) ayaa sheegay in laga bilaabo beri oo Isniin ah oo dhaqan galayo go’aankii golaha wasiirada ee ahaa in Mootooyinka bajaajka loo qeybiyey A iyo B.
Madaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Laga bilaabo maalinta bari ah laamaha amniga u fasaxan yihiin iney marsiyaan sharciga Mooto Bajaajkii u hogaansami wayso awaamiirtii lasoo saaray.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in bajaajtu ay shaqo abuur fiican u noqotay kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka biila qoysaskooda kuna maareeya nolol maalmeedkooda.
“Dowlad sideedaba waxay masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta, fududeynta isku socodka iyo wax kasta oo bulshada dan u ah” ayuu yiri Madaale.
Waxaa uu sheegay in gobolka Banaadir isagoo ka duulaaya go’aankii ka soo baxay golaha Wasiirada uu beri oo Isniin ah bilaabayo midabeynta mootooyinka bajaajka si loogu qeybiyo A iyo B si loo yareeyo ciriiriga ka jira isku socodka magaalada.
“Niman daneystayaal ah oo shisheeya u shaqeeya ayaa isku dayaya iney ka hor yimaadaan amarkan iyagoo ku andacoonaya in noloshooda la geliyey ciriiri, Caano diid maqaarka ayuu meel duleesha ka dayaa, marka Caano diid warkiisa kuma jirno” ayuu yiri Madaale.
Bajaajleyda Muqdisho ayaa horey uga soo horjeestay amarka dowlada iyagoo sheegay inuu saameyn adag ku yeelanayo noloshooda iyo mida qoysaskooda maadaama bishii mooto walba loo ogol yahay iney shaqeyso 15 maalmood.