Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo Maantay Wasiir Maareeye Ku Adkeeyey

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maantay Wasiir Maareeye Ku Adkeeyey

0

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta waji gabax kala kulmay xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu maanta hortegay.

Kulanka oo la filayay in wasiirka uu ka hadlo, isla markaana uu xildhibaannada kula wadaago shuruuc muhiim ah iyo howlaha wasaaradda ayaa lasoo xiray natiijo la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaannada Golaha.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in arrintan ay ceeb ku tahay baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in Maareeye iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda ay shaqo usoo diyaar garoobeen, balse kulankii uu kooram la’aan u baaqday, taasina ay niyad jab ku tahay.

“Xubnaha wasaaradda beeraha waa joogaan niyad jab ayay ku noqotay wasiir Maareeye ayaa ugu horreeyo, maxaa yeelay shaqo ayaa u taallay” ayuu yiri Cabdullaahi Abshirow.

Sidoo kale wuxuu digniin adag u diray xildhibaannada maqan, isaga oo sheegay in hadda kadib la’isla aadi doono ku dhaqanka xeer hoosaadka,i sla markaana xildhibaankii ka maqnaado kulamada baarlamaanka laga goyn doono lacago ganaax ah.

“Wixii hadda ka dambeeyo jeebkiina ayaa loo dhaadhacaa, xildhibaannada way wada ogol yihiin xeer hoosaadka ayay ku qoran tahay lacagta jareynaa” ayuu mar kale yiri Abshirow.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay xldhibaannada maqan inay kulanka soo socda ee Arbacda soo xaadiraan, si uu baarlamaanka usii wato howlaha shaqo ee horyaallo.

“Xildhibaannada maanta maqan waxaan ka codsaneynaa inay Arbcada soo buuxiyaan golaha, shirkeenna maantana waa noo xiran yahah” ayuu sii raaciyay.

Baaqashada kulankan ayaa kusoo aaday, xilli uu haatan sii xoogeysanayo guuxa mooshin culus oo qaar kamid ah xildhibaannada ay ka gudbiyeen wasiirka arrimaha dibada, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ay ku eedeeyee inuu cuuryaamiyay howlahi shaqo ee wasaaradda.

Ad
Previous articleXildhibaan Abiib oo 30 Maalin oo Xabsi ah Kadib Goordhow Lasiidaayay