Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo Beri Laisugu Yeeray Iyo Agenda Xasaasi ah oo looga...

Baarlamaanka Soomaaliya oo Beri Laisugu Yeeray Iyo Agenda Xasaasi ah oo looga Hadlaayo

0

Labada Aqal ee xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ayaa berri yeelanaya kulan wadajir ah, kadib fasaxii gaabnaa ee maalmaha Ciida.

Ajendaha kula berri ayaa ah, “Doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka labada Aqal ee BFS ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS.”

Kulanka ayaa ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa oo ku dhex taalla Villa Somalia.

Xildhibaanada ayaa fasax gaaban la siiyey maalintii ka horeysay ciida, waxaana socota dardar gelinta doorashada Madaxweynaha dalka.

Waxaa xusid mudan in weli aan xal laga gaarin khilaafkii ka dhashay xildhibaanadii buuqa ka kiciyey xarunta golaha kulankoodii ugu dambeeyey.

Xildhibaanadaas oo gaaraya 32 xubnood ayaa laga soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo, waxayna kulankii ugu dambeeyey isugu tageen hoolka golaha shacabka, halkaas oo buuq xooggan uu ka dhacay.

Lama oga tallaabada ay berri qaadi doonaan Xildhibaanadaas golaha ka soo galay gobolka Gedo, kuwaas oo dhawaan Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay inuu ku xali doono hanaan lagu wada qanacsan yahay, kadib markii uu sameeyo la tashiyo badan.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleGuddoomiyaha Golaha shacabka oo Beesha Caalamka Kala Hadlay Arin Xasaasi ah.
Next articleFarmaajo oo Ka Horyimid Magacaabis uu Sameeyey P.M Rooble Amar Cusbna Soo Saaray