Home Wararka Maanta Baarlamaanka Carabta oo soo dhoweeyay doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacay...

Baarlamaanka Carabta oo soo dhoweeyay doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacay gobolka Banaadir

0

Baarlamaanka Carabta ayaa soo dhaweeyay qabsoomidda doorashooyinka degmooyinka ee tooska ah ee ka dhacay gobolka Banaadir, kuwaas oo loo arko inay yihiin kuwii ugu horreeyay ee dalka laga qabto tan iyo sannadkii 1969.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al-Yamaahi, ayaa doorashooyinkan ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowladnimo, xoojinta dimuqraadiyadda iyo muwaadinnimada, isla markaana ballaarinaysa ka-qaybgalka shacabka.

Al-Yamaahi wuxuu intaa ku daray in doorashooyinkani ay gacan ka geysan doonaan dadaallada Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo amni iyo xasillooni, isagoo adkeeyay baahida loo qabo in dhammaan xoogagga siyaasadeed ay midoobaan, kana hormariyaan danaha qaran ee ugu sarreeya.

Sidoo kale, Al-Yamaahi wuxuu mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee Baarlamaanka Carabta ee dhammaan dadaallada lagu horumarinayo lana gaarsiinayo Soomaaliya barwaaqo iyo horumar.

Afhayeenka Xoghayaha Guud, Jamaal Roshdy, ayaa isna sheegay in Jaamacadda Carabta ay si dhow ula socoto geeddi-socodka doorashooyinka ka socda Muqdisho, iyadoo u aragta tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ka-qaybgalka shacabka laguna dardargelinayo u-guurista nidaamka doorashooyinka dadban loona gudbayo doorasho toos ah oo cod-bixin guud ah, kuna saleysan mabda’a “hal qof, hal cod”, sida ku cad dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Ad